Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo lagu wareejiyay qalab casri ah

Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden,gaar ahaan Safaaradda Sweden ee Neyroobi.ayaa Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudahaha ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku wareejiyay qalabka loo adeegsado baarista dukumiintiyada .

Qalabkaan ayaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka caawini doona baarista dukumeentiga safarka (Baasaboor iyo Fiisaha) iyo hubinta qofka ku safraaya lahaanshaha Dukumeentiga.

Xafladdaasi lagu bixinaayey qalabka,waxaa barbar socday tababar ku saabsan baarista dukumeentiga safarka,kaas oo loo qabtay xubno ka socday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Ciidamada Boliiska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Interpol.

Tababarkaan oo ay iska kaashadeen Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Safaaradda Sweden ee Neyroobi ,waxaa macalimiin ka ahaa Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden iyo Hey’adda Xuduudaha Midowga Yurub (Frontex).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor