Hey’adaha Bini’aadanimada oo digay Abaar ka jirta Somaliland

Warbixin ay soo saren Qaar kamid ah Hey’adaha Arrimaha Bini’adanimada ayaa looga digay abaar iyo cuni yari laga soo sheegay Deegaano ka tirsan Somaliland.

Warbixintan oo uu daabacay Jaraa’id Toddobaadlaha ah Ee Turkish Weekly Ee ka soo baxa Wadanka Turkiga ayaa lagu shaaciyay in 240 kun oo qof iney u baahan yihiin gurmad dhinaca Cunada.

Dadkasi badankooda waxa ay ku nool yihiin Gobolada Awdal,Gibiley iyo Maroodi jeex Ee Maamul Goboleedka Somaliland.

Dhibaatadan ayaa ka dhalatay Biyo yari la xiriirta ineysan da’in Roobabkii la sugayay iney hooran Bartamahii Sanadkan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor