Warbixin ay soo saareen Hey’addaha OXFORM IYO ADESO ayaa looga hadlay Dhibaatada ka dhalan karta Hakinta lacagaha Soomaalida looga Soo diri jiray Dalka Mareekanka.
Soomaalida ku nool Mareekanka imminka ma awoodaan iney lacag u soo diraan Dalka Soomaaliya.
Bankigii ugu dambeeyay ee u ogolaa iney Soomaalida lacago u soo Diraan Soomaaliya ee Merchents Bank ayaa isaga dhawaan xeray Akoonada Xawaaladaha Soomaalida iyaga oo Cabsi ka qaba in lacagta Soomaaliya loo soo diro ay gacanta u gasho Xarakadda Al Shabab.
Qabiiro Warbixintan diyaariyay ayaa sheegaya in Hal Milyan oo Soomaali ah ineysan u heli karin Cunno ay quutaan Nafsadahooda haddii meesha ay ka baxeen lacagahii Looga soo diri jiray Mareekanka.
Soomaali badan ayaa ku tiirsan Lacag ay u soo diraan qoyskooda and xubno ka tirsan Saaxibadooda dibadda ku nool gaar ahaan Mareekanka.
Qaramada Midoobay iyo Shaqaalaha Arrimaha Bini’aadanimada ayaa ka digay in Go’aanka Merchants Bank uu halis galin karo Soomaaliya.
Warbixinta waxa ay sheegaysaa in Hey’adda Bini’aadanimada iyo Qaramada midoobay laftooda iney adeegsan jireen Lacagahan oo ay ku bixin jireen Mushaarka Shaqaalahooda ama mashruucyada ay ku filayaan Tuulooyin iyo Magaalooyinka yar yar.
Degan Cali oo hogaamisa Ururka aan dowliga ahayn ee Adeso ayaa dalbatay in Merchents Bank uu sii wado La shaqeynta Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida.
Adeso iyo Oxfam waxa ay shaaciyeen in dadka Soomaalida ee Dibadda ku nool ay Dalkooda u soo diiraan Sanadkasta Lacag ka badan 1 Bilyan oo ah lacagta Dollarka Mareekanka.
Sahal Xasan oo ah Nin Soomaali ah oo ku nool Magaaladda Nairobi ayay Warbixinta sheegaysaa inuu aamisan yahay in Mareekanka uu arintan wax uga qaban karo inuu abuuro nidaam maaliyeed oo sharciyeysan.
Oxfam waxa ay ka digtay sido kale in dhacdadasi lagu xeray Akoonadda Xawaaladaha Soomaalida iney sii murug galin karto Xaaladda Bini’aadanimada Dalka Soomaaliya.
Marsii horeysay Bankiga Barcleys Bank ee Dalka Britain ayaa xeray Akoonada Xawaaladaha Soomaalida ee lacagaha u soo diri jiray Soomaalida kadib markii uu Bankiga ka walaac ka muujiyay cida ay gacanta u gasho Lacagtasi.