Wejigii labaad ee Wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya oo wakhtigiisii laga soo hormariyay ayaa lagu wadaa in uu Todobaadka danbe ka furmo dalka Turkiga.
Dowladda Turkiga oo dhex-dhexaadinaysa labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa shaacisay in Wada-hadalka labada dhinac uu Todobaadka danbe ka furmi doono magaalada Ankara ee caasimadda dalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey Hakan Fidan ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay si rasmi ah uga codsan doonto Soomaaliya helida deked islamarkaana aqoonsan doonto Madax bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Hadalka Wasiirka Arrimaha dibada ee Turkiga oo todobaadki hore safar ku tagay Addis Ababa ayaa muujinaya horumaro laga sameeyay dhex dhexaadinta uu Turkigu ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya.
Heshiiskii is-afgarad ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland ayaa burburay, taas oo keentay xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiiskan, oo ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen horaantii sanadkan, wuxuu Itoobiya siinayay marin ay ku soo gasho badda iyadoo loo marayo Somaliland, taas oo keentay in Soomaaliya ay heshiiskaasi ku tilmaanto mid xadgudub ku ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.
Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeesatay heshiiska, iyadoo ku adkeysatay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda. Itoobiya ayaa hadda wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed, waxaana Turkigu isku dayayaa inuu dhex dhexaadiyo labada dhinac, iyadoo qorshuhu yahay in wareeg labaad oo wadahadallo ah la qabto bisha Sebtembar.
Xaaladda ayaa sidoo kale ka sii dartay kadib markii Soomaaliya ay diiday dhexdhexaadinta Midowga Afrika ee arrintan, taas oo sii hurisay xiisadda u dhaxeysa labada dal.Waxaa la filayaa in Soomaaliya iyo Itoobiya ay kulmaan Ankara si loo xalliyo khilaafkaan.