Heshiis ku saabsan Raashiinka iyo Shidaalka ee CXD oo lagu kala saxiixay Muqdisho

Munaasabad lagu kala saxiixanayay hesiis ku aadan Qandaraasyada Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Siada ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeybgaleen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed(Amardambe) iyo wasiirka Amniga mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale,ayaa shirkado qaabilsan Qandaraasyada la saxiixday heshiiska Qandaraasyada Raashiinka iyo Shidaalka ee Ciidamada Qalabka Sida,kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadda heshiiskaasi lagu kala saxiixanayay goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa heshiiskani ku tilmaamay mid horseedi kara kalsooni dhexmarta bulshada iyo hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa uu soo maray Habraaca iibka Qaran ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,iyadoo tartan ay u soo galeen qaar kamid ah shirkadaha Qandaraaslayaasha ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media