Hay’adda ICRC iyo Bisha Cas ee Somalia ayaa la sheegay inay gargaar gaarsiiyeen ilaa 60,000 oo qof oo ku barakacday Dagaalladda Ciiddanka Galmudug iyo kuwa Puntland ku dhex maray Galbeedka Gaalkacyo ee Gabalka Mudug.
Hadal-qoraal oo ay Hay’adduhu ka soo saareen Nairobi ayey ku sheegeen inay ku-dhawaad 34,000 oo ka mid ah dadka Barakacay ay qabaan Baahi Weyn, isla markaana la gaarsiiyey Maro Kaneeco,Jikada wax lagu karsado, Jirgaanada Biyaha lagu shubto iyo Bacaha looga gabaadsado Qorraxda iyo Roobka.
Waxaa kaloo la sheegay in la sameeyey goobo KMG oo biyaha laga dhaansado iyo Rug Caafimaad oo nooca Wareega ah, si Adeeg Caafimaad loogu fidiyo dadka Barakacayaasha ah.
Sidoo kale, Isbitaalladda ku yaalla labada dhinac ee magaalladda Gaalkacyo ayaa la gaarsiiyey Qalab Cafaimaad, iyadoo Tobaneeyo qof oo ku soo dhaawacmay Dagaalladda lagu daaweynayo Isbitaaladaasi.
Dhinaca kale, Hay’adda ICRC waxay Qeybaha ku dagaalamayo Gaalkacyo kala xaajoodeen Fasax dhinaca Adeegyadda Samafalka sidii loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay Dagaalladaasi.
Hay’adda ICRC waxay kaloo sheegtay in 90% dadkii ku noolaa Gaalkacyo u bara-kaceen Tuullooyinka ku hareeraysan Gaalkacyo, iyadoo uu Barakacu sii soconayo tan iyo inta ay Colaaduhu sii socdaan.
©Radio Dalsan