Hay’adda UNFPA oo ku baaqday in la dedejiyo baaritaanka kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan.

Madaxa  Hay’adda QM ugu qaabilsan Maalgelinta hawlaha Dadweynaha (UNFPA) ugu qaabilsan Somalia, Nikolay Botev iyo Wakiilka Xafiiska UNFPA ee Puntland, Maryam Qaasim waxay si kulul u cambaareeyen fal kasta oo Colaad oo ka dhan ah Jinsiga.

 

Hadal qoraal oo uu soo saaray Madaxa Hay’adda UNFPA ee Somalia ee xilka ka sii degayo waxa uu ku sheegay inay ka argagaxeen falkii arxan-daradda ee lagu kacay Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12-jir ahayd, taasi oo dhawaan lagu kufsaday, laguna dilay Waqooyiga magaalladda Gaalkacayo.

Nikolay Botev waxa uu ku baaqay in la dedejiyo baaritaanka Kiiskaasi , lana xoojiyo Fulinta Sharciga Somalia ee ka-hortagga Xadgudubyada Dembiyadda Kufsiga, wuxuuna tilmaamay inuu Tacadiyadda Jinsiga xadgudub ku tahay Xuquuqda Haweenka iyo Gandhaha.

Dhinaca kale, Madaxa  Hay’adda QM ugu qaabilsan Maalgelinta hawlaha Dadweynaha (UNFPA) (UNFPA) ugu qaabilsan dalka Somalia, Nikolay Botev waxa uu sheegay inay UNFPA garab taagan yihiin qoyska Caa’isha Ilyaas Aadan iyo inay  taageerayaan Maamulayaasha, Bulshadda iyo dadka u dhaqdhaqaaqa ka-hortagga colaadaha ka dhanka ah Jinsiga iyo Xuquuqda Aadanaha ee Haweenka ku nool Somalia.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media