Hawlgal ay Boliska British ku soo xireen dad lala xiriirinayo Kooxaha Argagixisadda.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in dadkaasi lagu soo qabtay Hawlgallo ka ddhanka ah Argagixisadda oo laga sameeyey London iyo Bartamaha England.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in 4 qof lagu xiray magaalladda Derby, halka mid kale laga soo qabtay Burton ee Bartamaha England, kuwaasi oo da’doodu kala tahay 22-jir, 27-jir, 35-jir iyo 36-jir .

Sidoo kale, Haweeney 32-jir ah ayaa laga soo qabtay magaalladda Londdon, taasi oo la sheegay inay diyaarinaysay falal Argagixiso.

Qoraal ka soo baxay Unuga La-dagaalanka Argagixisadda ayaa lagu xusay inay aqoonsadeen inay dadka Deegaanka walaac ka qabaan natiijadda dadka la soo xiray, waxayna ku baaqeen inay dadka muujiyaan Deganaansho.

Qabashadda dadkaasi ayaa ku soo beegantay, iyadoo uu Madaxa Sirdoonka Dibedda ee Britain isbuucii hore ka digay weeraro ay Daacish ka geystaan Britain iyo dalalka kale ee ay Isbahaysiga yihiin.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor