Haweenkii Soomaalida ee lala xiriirnayo Weerarkii Mombasa oo lagu samaynayo Baaritaan Caafimaad

Dacwadda loo haysto 3 Haween oo Soomaali ah ayaan shalay ka bilaabnin Maxkamadda magaalladda Mombasa, kadib, markii mid ka mid Haweenkaasi oo Dhgool ah ay fahmi weyday Calaamadaha wax lagu fahamsiiyo  dadka Dhagoolka ah.

 

Haweenkaasi oo lagu kala magacaabo Naciima Maxamed, Saciida Cali iyo Shukri Cali ayaa lagu eedeynayaa inay gabaad siiyeen saddexdii Gabdhood ee dhawaan weerar ku qaaday Saldhiga Dhexe ee Boliska magaalladda Mombasa.

 

Garsoorayaasha ayaa amray in Baaritaan Caafimaad loo diro Shukri Cali, kadib, markii ay awoodi weysay inay ka hadasho Maxkamadda, halka Saciido Cali tahay qof Dhagool ah oo aan wax maqli Karin.

Maxkamadda waxay sheegeen in Naciima Maxamed tahay qofka keliya ee sida tooska ah ula xiriiri karta Maxkamadda.

 

Dhinaca kale, Madaxa Garsoorka Maxkamadda Mombasa, Emanwal Mutunga ayaa anray in saddexda haween muddo  maalmood lagu sii hayo Saldhigga Dekedda Mombasa..

 

La Taliyaha Maxkamadda Mombasa, Aleskandar Muteti ayaa isagana sheegay in Eedeysanayaasha loo gudbin doono Isbitaal Gobaleedka Xeebta, ka hor intaan mar kale Maxkamadda la soo taagin bishan September 21da..

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor