HomeWararHaweeneydii Kenyanka ee la soo badbaadiyey oo lagu  wareejiyey Safaaradda Kenya ee...

Haweeneydii Kenyanka ee la soo badbaadiyey oo lagu  wareejiyey Safaaradda Kenya ee Somalia.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ku-xigeenka Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Xasan Maxamed Cabdi ayaa maanta gaaray magaalladda Cadaado, si uu  Madaxda Maamulka Galmudug kala soo wareego Haweeney Kenyan ah oo u afduubnayd Burcad-baddeeda. Diplomaasiga waxa uu Madaxda Maamulka Galmudug uga mahad celiyey Hawlgalkii lagu soo badbaadiyey Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Louise Njoki Weru oo 41 jir ah, taasi oo gacanta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-xigeenka Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Xasan Maxamed Cabdi ayaa maanta gaaray magaalladda Cadaado, si uu  Madaxda Maamulka Galmudug kala soo wareego Haweeney Kenyan ah oo u afduubnayd Burcad-baddeeda.

Diplomaasiga waxa uu Madaxda Maamulka Galmudug uga mahad celiyey Hawlgalkii lagu soo badbaadiyey Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Louise Njoki Weru oo 41 jir ah, taasi oo gacanta burcad-baddeeda ku jirtay muddo 18 bilood ah.

- Advertisement -

Ku-xigeenka Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Xasan Maxamed Cabdi  waxa uu Maamulka Galmudug uga mahad celiyey Hawlgalka Geesinimadda ee lagu soo badbaadiyey Haweeneydaasi, Louise Njoki Weru.

Ciiddanka Maamulka Galmudug ayaa dhawaan ku guuleystay inay xoog ku soo badbaadiyeen Haweeneydaas oo lagu haystay Degaanka Camaara.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cusmaan Ciise Nuur “Taar-dhuleed” oo ka hadlay Munaasabadda lagu soo ambabixinayey Haweeneydaasi  ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Safaaradda Kenya ku wareejiyaan Haweeneydaasi.

- Advertisement -

 

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts