HomeWararHaweeney Xaamilo aheyd oo Aano qabiil Maanta loogu dilay degaan ka tirsan...

Haweeney Xaamilo aheyd oo Aano qabiil Maanta loogu dilay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wararka aan ka heleyno deegaanka Kaxan-dhaalle ee Gobalka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay lagu dilay Haweeney kamid aheyd dadka deegaanka, xili ay la joogtay oo ay ilaashaneysay xoolo ay laheyd. Qaar kamid ah dadka deegaanka Kaxan-dhaalle ayaa ku warramay in rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah dileen haweeneyda oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaanka Kaxan-dhaalle ee Gobalka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saakay lagu dilay Haweeney kamid aheyd dadka deegaanka, xili ay la joogtay oo ay ilaashaneysay xoolo ay laheyd.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Kaxan-dhaalle ayaa ku warramay in rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah dileen haweeneyda oo aheyd Xaamilo, iyagoona ku furay rasaas, oo sababtay in markii dambe ay haweeneyda goobta ku geeriyooto.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Marxuumada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hodan Cabdi Jaamac oo aheyd haweeney xoolo dhaqato ah, waxaana goobta uu falku ka dhacay tegay qoyskeeda oo halkaas ka qaaday Meydka, lana geeyay Magaalada Gelinsoor.

Dilka loo geystay Hodan Cabdi ayaa waxaa la tilmaamay inuu salka ku haayo aano qabiil, isla markaana waxaa ragga dilay ee maleeshiyaadka ahaa ay horey usii dhaawaceen haween kale oo xoolo dhaqato ah, kuwaasi oo dhaawacooda la dabiibayo.

Madaxda Magaalada Gelinsoor iyo Odayaasha ayaa ay sheegeen in falkan dhacay uu ka fog yahay diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban uu keeni karo falal kale oo fool xun, hadii aan Maamulada dariska ah ee Galmudug iyo DDS aysan xaalada soo fara-galin.

- Advertisement -

Dhacdadaan lagu dilay Hodan Cabdi Jaamac ayaa waxaa Maanta aad looga hadal hayaa deegaanka Kaxan-dhaalle iyo Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan dhacdadaan kuwo lamid ah ay horey uga dhaceen dhulka Soomaalida…

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts