Muwaadinad u dhalatay dalka Uganda oo lagu magacaabo Catherine Ntabadde, una shaqeynaysay Xafiiska Hay’adda UNICEF ee magaalladda Garowe ayaa ka mid ahayd Shaqaalihii Shisheeyaha ee shalay ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Garowe.
Haweeneydaasi oo ahayd Khabiir dhinaca Isgaarsiinta waxay ka mid ahayd shaqaalaha Waaxda Isgaarsiinta ee Xafiiska UNICEF ee magaalladdfa Garowe.
Waxay Xafiiskaasi ka shaqeynaysay tan iyo sannadkii hore, iyadoo gacan ka geysatay hawlaha Talaalka Carruurta, gaar ahaan cuddurka Dabaysha.
Qarixii shalay ka dhacay Garowe oo ay Xarakadda Alshabaab qireen inay fuliyeen ayaa waxaa kaloo lagu dilay saddex shaqaale shisheeye ah oo ka shaqeynayey Xafiiska UNICEF ee magaalladda Garowe.
Labo ka mid ah shaqaalahaasi waxay u dhasheen dalka Kenya, waxaana la kala oran jirey Woki Munyui iyo Stephan Oduar, halka mid kale oo la oran jirey Payenda Gul Abed u dhashay dalka Afganistan.
Madaxa Xafiis-gobaleedka ee Isgaarsiinta UNICEF, James Elder ayaa sheegay inay ilaalayn ku hayaan xaalladda amaaanka ee Deegaanadda ee ay shaqaalaha UNICEF ka hawlgalaan.
Khubarada dhinaca Ammaanka ee UNICEF ayaa haatan ku sugan Garowe, si ay u qiimeeyaan xaalladda.