Haweeney Sun ay cabtay ugu geeriyootay Muqdisho

Haweeneydaan u geeriyootay Sunta ay Cabtay ayaa waxa ay deganeed Xaafada Jungal oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.

Haweeneyda Sunta cabtay ayaa waxaa Magaceeda lagu soo koobay Shukri,waxaana sababta ay sunta isugu dishay lagu sheegay in loo diiday wiil ay is jeclaayeen.

Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in Haweeney Sunta Cabtay wiilka ay jecleed ay is guursadeen,hal Wiil ay u dhashay balse ay kala tageen sidoo kalena ay doonayeen in ay markale isku-soo laabtaan balse ay eheladooda diideen.

Dhacdadaan oo aad looga naxay ayaa waxaa Dalsan u xaqiijiyey dad deris la’ah waxaana ay sheegeen in Wiilka iyo Haweeneyda ay ahaayeen laba ruux oo aad isku jecel balse ay u diideen eheladooda inay markale isku laabtaan sidaasina sunta u cabtay.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho ka dhacay dhacdooyin weli murugadooda Shacabka Muqdisho aysan qalbiyadooda ka go’in.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media