Ronja Anderson oo ah gabar ku jirta da’da Tobaneeyadda ama (Teenage)-ka ayaa la shegay inay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay la kulmaysay caga-jugleyn iyo aflagaado, kadib, markii ay soo islaantay bishii May ee sannadkii hore.
Gabadhaasi oo Gool-haye u ah Xulka Haweenka K/Cagta ee Qaranka Sweden ee da’doodu ka shooseyso 19-jirka waxay habeen hore ka soo muuqatay Bandhig ka socday Telefishin ku yaalla dalkaasi oo ay kaga hadashay dhacdooyinka iyada ka dhanka ee loogu hanjabayo.
Inta uu Bandhiga TV-ga socday waxaa lagu caddeeyey qof qoraal nacayb ah u diray guriga ay gabadhaasi ku noolayd.
Qofkaasi ayaa la shegay inuu ka soo qeyb galay Bandhigaasi, isla markaana uu raalli-gelin siiyey gabadha Muslimadda ee Ronja Anderson.
Wareysiga Bdnhiga TV-ga waxay kaga sheekeysay taariikhda sida ay u noqotay Muslimad.
Ronja Anderson oo haatan 19-jir ah waxay sheegtay markii ay 15-jirka ahayd inay is barteen Wiil Muslim ah oo u dhashay Turkiga, kaasi oo ay Qoyskiisa ka baratay arrimaha Islaamka.
Waxay kaloo sheegtay inay qoyskiisa u raacday Turkiga, halkaasi oo ay ku baratay waajibaadka dadka Islaamka, ilaa ay markii dambe go’aansatay inay qaadato Diinta Islaamka.
Ronja Anderson waxay sheegtay markii ay noqotay qof Muslim ah inay dareentay Nolol aad u deggan, isla markaana ay akhrisato Qur’aanka Kariimka, Salaadda tukado, isla markaana ay soonto.