Taliyaha Guud ee Boliska dalka Kenya, Hilary Mutyambai ayaa sheegay inay weli ku hawlan yihiin dadaalka lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo Labo Dhakhtar oo u dhalatay dalka Kuuba, kuwaasi oo afar bilood ka hor laga qafaashay Degmadda Mandera ee W/bari ee dalkaasi.
Rag hubeysan ayaa waxay bishii April ee la soo dhaafay qafaasheen Labada Dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herea Corea and Landy Rodriguez, waxaana Hawlgalkii lagu afduubtay lagu dilay mid ka mid 2 Askari oo ilaalo u ahayd Dhakhaatiirta.
Taliyaha Guud ee Boliska Kenya oo shalay la hadlay Saxaafadda waxa uu tilmaamay inaysan fasax u haysanin inay u tallaabaan xuduudka Somalia oo uu xusay in rumeysan yihiin in Dhakhaatiirta lagu haysto.
Waxa kale oo uu sheegay inay gacanta ku hayaan 3 Eedeysane oo uu magacyadooda ku kala sheegay Jackson Okelo oo 26-jir ah, Paul Ayub oo 18-jir ah iyo Ibraahim Maxamed Xamdaan oo 17-jir ah, kuwaasi oo uu xusay inay Baarayaasha ka taageerayaan Kiiskaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inay Eedeysanayaasha bixiyeen Warar ku aadan Afduubkii Dhakhaatiirka Kuubaanka, isla markaana ay rajeynayaa inay gacanta ku soo dhigaan dhamaan xubno kale oo xogtooda la siiyey, waa sida uu sheegtay.
Warar hore ayaawaxay sheegeen in dadka qafaashay Dhakhaatiirtaasi ay codsadeen lacag madax furasho oo dhan 1.5 million oo Dollar.
Dhinaca kale, Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu soo xigtay Warbixin ay Hay’addaha Ammaanka Kenya dhawaan soo saareen, taasi oo muujinayso in Dhakhaatiirta Kuubaanka loola dhaqaaqay Hawdka Deegaanka Halaanqo oo u dhow magaalladda Baraawe, halkaasi oo la sheegay inay ku soo biireen Islaamka.
Balse, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya arrintaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Odayaal Dhaqameed deggan Mandera ayaa waxay horey u sheegeen inay Alsahabaab gacanta ku hayaan Labada Dhakhtar oo lagu hayo dhul-kaymeed Fog oo ku yaalla Jubbooyinka.