Taliyaha Ciiddanka Boliska ee dalkaasi ayaa sheegay inay qoys ka kooban 5 qof saakayto isku qarxiyeen meel ku dhow Xaruimaha Dhexe ee Ciiddanka Boliska ku leeyihiin magaalladda SURABAAYA.
Waxa uu tilmaamay inay gabar yar oo 8 jir ka badbaaday Is-qarxintaasi oo loo adeegsaday 2 mooto oo miineysan.
10 qof oo ay ku jireen Saraakiil Boolis ayaana la sheegay inay ku dhaawacmeen Qaraxyadaasi.
Dhacdo kale, Lammaane iyo ilmo yar oo ay dhaleen ayaa ku geeriyooday qarax maanta lagu farsamaynayey gurigooda oo ku yaalla Degmadda SIDOARJO oo 30-Kiilomitir u jirta magaalladda SURABAAYA.
24-kii saacad ood ee la soo dhaafay, ugu yaraan 23 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyaddii ka dhacay dalka Indonesia.