HomeWararGuudlaawe oo James Swan kala hadlay xaalado kusoo wajahan Hirshabeelle

Guudlaawe oo James Swan kala hadlay xaalado kusoo wajahan Hirshabeelle

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan. Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya gaar ahaan muhiimada ay leedahay in Is-faham laga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya gaar ahaan muhiimada ay leedahay in Is-faham laga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa ay lagu sheegay in kulanka Guudlaawe iyo James Swan looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Arrimaha Fatahaada, maadaama laguda-galayo xili roobaadka.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan uu balan qaaday in QM ay Hirshabeelle ka taageeri doonto dhinacyo kala duwan oo ku aadan Arrimaha horumarinta Maamulka.

“Kulankaan ayaa aad looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan muhiimada ay leedahay  in isfaham buuxa laga gaaro qabsoomida Doorashoooyinka lagu wada qanacsanyahay.Sidoo kale Kulankan waxaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Hirshabeelle gaar ahaan fatahaadaha maadaama laguda galayo xili roobaadka ayaa lagu yiri Qoraalka.

- Advertisement -

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maalmihii lasoo dhaafay Caasimadda dalka ka waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts