Guriga Gudoomiyihii hore ee Degmada Hodan oo Caawa la weeraray

Waxaa caawa Fiidkii Bam Gacmeed lagu weeraray guri uu deganaa gudoomiyihii hore ee degmada hodan Axmed Salaad Ibraahim kaas oo ku yaala qeybo ka mid ah degmadaasi Hodan.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo diiday in Magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa Dalsan u sheegay in ay maqleen Jugta Culus ay bam Gacmeedka iyo rasaas ay intaas kadib ay fureen Ilaalada Guriga Gudoomiyihii hore.

Dhanka kale xog ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxay sheegeysaa in weerarkaas Bam Gacmeedk ah uusan ka dhalan wax khasaaro ah.

Weerar Bambaano ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili ciidamada Xasilinta dhanka amniga ay Muqdisho ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo dhanka amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media