Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari oo laga dilay Boosaaso

Ciidamada Maamulka puntland ayaa Maanta waxa ay howlgallo ka kala duwan ka wadaan xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Howlgalkan ayaa waxa lagu baadi goobayaa dadkii ka dambeeyay dilka gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Khalar Buncun,kaas oo lagu dilay magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa baaraya dadka iyo Gaadiidka,waxana ilaa iyo hada jirin cid ay ku soo qabteen howlgalkaas,.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland ee Magaalada Boosaaso ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in ay howlgalku u socon doono ilaa ay amniga xaqiijiyaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media