Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo Walaalkiis oo Caawa lagu dilay Muqdisho

Waxaa caawa qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir lagu dilay  Allaha u Naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug Maxamed  Sheekh Cali Cilmi.

Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay Gaari ay wateen Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Walaalkiis Eng,Xasan Sheekh Cali Cilmi xili ay marayeen Xaafada Carafaad ee degmadaasi Yaaqshiid.

Macada sababta loo dilay iyo cida ka dambeysa dilkiisa,waxana maalmihii u dambeysay uu ku sugnaa Marxuumka oo uu howlo Shaqo uu u joogay Magaalada Muqdisho.

Dilka Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug loogu gestay Muqdisho ayaa wax ka tacsiyeeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media