Gudoomiye Thaabit oo iclaamiyay banaabax looga soo horjeedo qaraxii ka dhacay Muqdisho

Thaabit Cabdi Maxamed gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Maidina oo uu booqday ayaa ku baaqay in Shacabka Muqdisho ay dibadbax dhigaan.

Gudoomiye Thaabit ayaa sheegay in Galabta Shacabka muqdisho la doonayo in ay dhigan banaanbax ay uga soo horjeedaan kuna cambaareynayaan qaraxii dadka faraha badan ee Shacabka ah ku geeriyoodeen.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay hal meel uga soo wada jeestaan waxa uu ugu yeeray Cadaw oo mar walba dhibaateey Shcabka.

Marka laga soo t ago hadalka gudoomiyaha ayaanan jirin cid ilaa iyo hadda cid sirasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media