Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Sh/hoose oo ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa

Wararka ka imaanaya degmada Dharkeenleey ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari waxana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan qaabka uu u dhacay qaraxa iyo cidda lala beegsaday.

Warar ay heshay Idaacada Dalsan ayaa sheegaya in uu qarxay gaari uu lahaa gudoomiye ku xigeenka gobalka Sh/hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo marayay meel ku dhow xaafada Dabkaya Madow ee degmada Dharkeenley.

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Sh/hoose C/fitax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Idaacada dalsan ayaa sheegay in uu qarxay gaari uu lahaa lakin xiligaas aanu saarnayn isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay qaraxaas.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor