HomeCaalamkaGudoomiyaha Magalada Gaarisa oo xabsiga la dhigay

Gudoomiyaha Magalada Gaarisa oo xabsiga la dhigay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Warbaahinta Kenya ayaa soo warisay in Ali Korane talaadada maanta ah xabsiga loo taxaabay si su’aalo looga weydiiyo toogasho todobaadkii hore magaalada Naiobi loogu geystay Idriss Mukhtar madaxii hore ee maamulka maaliyadda ismaamulka Garissa. Mudane Korane ayey booliisku ka kaxeeyeen hoygiisa oo ku yaalloa xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi. baritaanno ayuu wajahayaa si wax looga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warbaahinta Kenya ayaa soo warisay in Ali Korane talaadada maanta ah xabsiga loo taxaabay si su’aalo looga weydiiyo toogasho todobaadkii hore magaalada Naiobi loogu geystay Idriss Mukhtar madaxii hore ee maamulka maaliyadda ismaamulka Garissa.

Mudane Korane ayey booliisku ka kaxeeyeen hoygiisa oo ku yaalloa xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi. baritaanno ayuu wajahayaa si wax looga weydiiyo kaalintii uu ku lahaa toogashadii lagu dhaawacay Mukhtar. tallabaadan ayaa daba socotay markii qaar ka mid ah eedeysanayaasha loo qabtay dhacdadaasi ay isaga la xiriiriyeen.

- Advertisement -

Booliiska ayaa isku gadaamay guriga gudomiyaha habeenkii oo dhan ilaa 5-tii subaxnimo oo uu dibadda u soo baxay. waxaa la geeyay mid ka mid ah xarumaha hoggaanka dambi-baarista Kenya ee DCI. kuwa loo heysto falkaasi ayaa waxaa ku jira dableygii weerarka qaaday, haweeney kireysay gaariga loo adeegsaday raadraaca Mukhtar iyo Askri. Qorigii loo adeegsaday toogashada Mukhtaar ayey sidoo kale booliisku soo heleen.

Idiris Mukhtar oo ah 33 jir ayaa todobaadkii la soo dhaafay nin hubeysan ku toogtay meel ku dhow masjid ku yaalla Kileleshwa. waxa uu weli ku jiraa qeybta daryeelka degdegga ah ee ICU. Mukhtar ayaa mar sii horreysay booliiska u gudbiyay cabasho ku saabsan in uu u baqayo naftiisa kadib markii ay soo gaareen hanjabaadyo.

Mukhtar ayaa waxaa xilka ka qaaday maamulkii hore, waxaana uu la beegsaday waxaana uu u dacwooday maxkamadda isagoo mag-dhow ahaan loo siiyay Sh50 millionkadib markii ay go’aamisay in loo gefay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts