Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe oo Xilka la wareegay+Sawiro

Waxaa Maanta xilka sirasmi ah ula wareegay gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan kadib markii gudoomiyihii Gobolkaas uu noqday Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle.

Munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda Somaaliya Maamulka hir-Shabeelle,Odayaasha dahqanka Magaalada jowhar iyo Bulshada qeybaheedfa kala duwan.

Waxgaardkii ka qeybgalay Munaasabad ayaa waxay shaaciyeen in Cali Cabdullaahi useen (Guudlaawe) Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maanta xilka wareejiyay uu wax badan ka qabtay xaalada Gobolka Shabeellaha Dhexe intii uu xilkaasi hayay.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo Maanta xilka la wareegay ayaa dhankiisa sheegay in uu shaqada halkiisa kasii wadi doono islamarkana ay wadashaqeyn dhexmari doonto Cali guudlaawe maadaama uu weli yahay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle.

Axmed Meyre Makaraan gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa  19,kii Febraayo 2017 waxaa xilkaas u magacaabay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.

Sawiro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media