Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag oo Ugu Baaqay Ganacsatada Shidaalka Iney Dabka Ka Feejignadan

Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banadir Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa ugu yeeray dhamaan Ganacstada Iibisa Shidaalka ee Degmadasi ku nool iney aad uga feejignadan Dabka ka kaca mararka qaar goobaha lagu keydiyo shidaalka.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in iyaga oo kaashanaya Booliska Saldhiga Bakaaraha iney dabagal ku sameyn doonan Arrimahasi oo marar badan looga digay Ganacsatada Shidaalka Iibisa.

Hadalka ayuu gudoomiyaha jeediyay kadib markii uu shalay dab xoogan uu ka kacay Suuqa Shidaalka Black Sea ee Magaaladda Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor