Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jubbaland oo dib loo doortay

Goordhow ayaa waxaa la soo gagabeeyay tirinta Codkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulkaas.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax,kuwaasi oo kala ah Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorashada,waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland loo doortay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo helay 55 Cod,kaasio ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulkaas.

Sidoo kale Musharax Xuseen Shiinow Cali ayaa helay Codad gaaraya ilaa iyo 18 Cod.

Hoolka doorashada ka socotay ayaa waxaa ku wada sugnaa, Xildhibaanada Jubaland ee la dhaariyey dhammaantood,Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media