Guddoomiyihii Maamulka Gaarisa oo Maanta Maxkamad lasoo taagay

Guddoomiyihii Ismaamulka Gaarisa ee Waqooyiga barri ee dalka Kenya Cali Bunow Qorane ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa lasoo taagay Maxkamadda Milimani ee Magaalada Nairobi, kadib markii shalay xabsiga loo taxaabay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya ayaa gelinkii dambe xabsiga Guddoomiye Cali Bunow oo lagu eedeeyay arrimo la xiriira Musuq-maasuq, isla markaana markii dambe Kenya amartay in lasoo xiro Guddoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu horay u lunsaday lacag aad u farabadan oo  loogu talagalay in lagula tacaalo Cudurka halista ah ee Coronavirus, isagoo sameeyay arrimo kale wax isdaba marin sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Gaarisa.

Guddoomiye Cali Bunow Qorane oo Maxkamadda Milimani la soo taagay, isaga iyo Afar eedeysanayaal oo kale ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo ah inuu fududeeyay lunsashada lacago uu ku deeqay Bangiga adduunka.

Axmad-naasir Cabdullahi oo ah qareenka Guddoomiyaha Gaarisa u dooday ayaa xusay in aysan jirin wax isda bamarin lacageed sida ay sheegeen hay’adaha dambi baarista, wuxuuna Carrabka ku adkeeyay in dacwadaha uu wajahaya Cali Bunow iyo kuwii horay loogu soo oogay qaar ka mid ah barasaabyada Ismaamullada aynan isku mid aheyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media