Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiraan oo maanta xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Muxumud Caraale ayaa maanta xilka si rasmi ah ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka loo magacaabay Cali Jeyte Cusmaan.

Xil wareejinta oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaa goobjoog ka ahaa Oadayaasha dhaqanka ee gobolka iyo saraakiil ka kala socotay AMISOM iyo dowladda fedraalka Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa muran ka taagnaa maamulka gobolka Hiiraan kadib markii gudoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Cali Muxud Caraale uu diiday xilka qaadista madaxweynaha Hirshabelle uu ku sameeyay.

Arrintaan ayaa soo afjari doonta khilaafkii dhinaca maamulka oo saameyntuiisa maalmihii dambe laga dareemayay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media