HomeWararGuddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo ka hadlay weerarkii SYL

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo ka hadlay weerarkii SYL

Date:

Related stories

Maxamed Ordaaye: Sidee Muwaadin reer Togdheer ah u qabsaday Caalamka isagoo aan hadlin?

Maxamed Ordaaye, oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Duruqsi,

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa si kulul u Cambaareeyay weerarkii xalay Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka SYL ee ku yaalla kasoo horjeeda Xarunta Madaxtooyada.

Taabid Cabdi ayaa waxaa tacsi u diray Ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotelka, isagoo ku dhaawacmay Alle uga baryay inuu Caafimaad siiyo.

Ciidanka amniga ayuu bogaadiyay oo xalay inta uu socday howlgalka hotelka SYL kasoo badbaadiyay boqolaal qof oo ku jiray halkaas.

“Waxaan cambaareynayaa weerarada Al-shabaab ay kusoo qaadayan goobta muhiim ah ee ku yaalla Caasimadda, ujeedkooda ugu weyna uu yahay “ha noolaan hana horumarin” sidaa darteed waxaa waajib nagu wada ah in aan iska wada kaashano sidii meel looga soo wada jeesan lahaa” Ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay “Amniga aan u wada istaagno, madaama uu maanta yahay baahideena koowaad”.

Si kastaba Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday hotelka SYL, waxaana ku geeriyooday 10 ruux, halka 11 qof kalena dhaawac uu soo gaaray.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories