Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa saakay waxa ku geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
Allaha u naxariistee Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxa uu xilal ka soo qabtay maamulka Puntland,isagoo mar soo noqday Wasiirka Howlaha Guud iyo Wasiirka Kalluumeysiga xiligii uu Madaxweyne ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Geerida Marxuum ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa,kuwaasi oo sheegay in Xanuun kedis ah uu qabtay.
Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sanadihii 2009 – 2013 soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleed Puntland,isla markaana ahaa Xildhibaan muddo dheer ka tirsanaa Golaha Wakiilada Puntland,isagoona laga soo doortay Gobolka Mudug.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirishiid Maxamed Xirsi oo xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland.