Guddoomiyihii hore Diinsoor oo isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed

Guddoomiyihii hore ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa lagu soo waramayaa inuu isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiye Ibraahin Maxamed Nuur Shigshigow oo watay Ciidamo daacad u ahaa isaga ayaa shalay dagaal xoogan gudaha Degmada Diinsoor kula galay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Wadahadalo dhexmaray Odayaasha deegaanka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyntii sababtay in Ibraahim Shigshigow oo ahaa Guddoomiyihii Diinsoor ee xilka laga qaaday uu isku dhiibo Maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalkii shalay ka dhacay halkaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday 7 ruux oo laba kamid ah ay yihiin Askar, halka 5 qof kalena  ay ku dhaawacmeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media