Guddoomiyihii G/Hiiraan oo xilka qaadis lagu sameeyay iyo mid cusub oo la magacaabay

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan,iyadoo mid cusub loo magacaabay.

Cali Maxamed Caraale ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan,isla markaana waxaa uu bedelayaa Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed,kaasi oo ahaa Guuddoomiyaha Gobolkaas.

Xilka qaadista Yuusuf Dabageed ayaa kusoo aadeysa,kadib markii shalay eedeeymo kulul u jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale Cali Maxamed Caraale oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kamid ahaa musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Hirshabeelle.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media