Guddoomiyihii Deg. Baladweyne oo xilkii laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa Cumar Cismaan Calasow u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdiraxmaan Guure ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Baladweyne, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Cismaan Dhicisow Dhuubow oo xilka qaadis lagu sameeyay.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa Cabdullaahi Saalax Shiikh u magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Beledweyne.

Wasiirka ayaa faray dhammaan hay’addaha amniga Gobolka iyo shacabka magaalada inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee la magacaabay, waxaana sidoo kale labada mas’uul laga dalbaday inay toos u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor