Guddoomiyihii Bajaajleyda oo lagu dilay Muqdisho iyo Banaan baxyo ka dhashay

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxaa la sheegay in Isgoyska Banaadir ee magaalada  Muqdisho uu ku diley Darawal mooto Bajaajle iyada oo dilka kadib ay dhaceen banaan baxyo xooggan.

Warar ay heleyso Idacada dalsan ayaa xaqiijinaya in darawalka la dilay uu ahaa guddoomiyihii Bajaajleyda isla markaana uu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda kadib markii muran uu soo kala dhexgalay.

Dilka ka dib wadayaasha gaadiidka loo yaqaan Bajaajka ayaa dhigay banaan bax aad u balaran oo ay uga soo hor jeedaan dhacdadaan ,iyada oo meydka marxuumka la geeyay xarunta dembi barista CID-da.

Dhinaca kalana waxaa la sheegay in uu goobta ka baxsaday askarigii ka dambeeyay dilka darawalkaa Moota Bajaajlaha ahaa,iyada oo aysan aheyn markii ugu horeeyay ee sidaan oo kale loo dilo bajaajle weliba ay toogaan askarta ka tirsan ciidmaada dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media