Guddoomiye Waaxeed lagu weeraray Xaafad ka tirsan Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa waxa ay weerar ku qaadeen Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir,kaasi oo geystay Khasaaro.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay Xaafadda Carte ee Degmadaasi,isla markaana lagu dhaawacay Gudoomiyaha Waaxda Barwaqo iyo Askari la sheegay in uu Ilaalo u ahaa.

Haashim Maxamed Salaad oo ah Gudoomiyaha Waaxda Barwaqo ee Degmada Hilwaa iyo Askariga la socday ayaa la weerary xili ay marayeen Xaafadda Carte ee  degmadaasi,iyadoo ragii ka dambeeyay falkaasi ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Hiliwaa ayaa la tilmaamay in ay goobta gaareen,iyagoo halkaasi ka wada baaritaano kala duwan.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in dhaawaca soo gaaray Guddoomiye Waaxeedka iyo Askariga uu yahay mid fudud.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media