Guddoomiye Waaxeed lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Goordhow xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir waxaa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka degmadaas.

Dad la hadlay Warqabadka Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Guddoomiye Waaxeed la dilay xili uu ku sugnaa waaxda shanaad Siinka-dheer, isagoona u geeriyooday xabado lagu dhuftay, iyadoo la sheegay in aysan la socon Ilaalo.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Coloow Cali oo ahaa Guddoomiyhii waaxda shanaad Siinka-dheer ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilkaas ka dambeeyay.

Sida caadada aheyd Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Kaxda ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana qaaday Meydka Marxuumka, iyagoona howlgal ka wada Waaxda shanaad Siinka-dheer.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir oo ku saabsan dilkaas, hayeeshee dilka Ibraahim Coloow ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media