Guddoomiye Mursal oo sheegay in uu buray mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Mursal  Sheikh C/raxmaan ayaa wareegto uu caawa soo saaray ku sheegay in mooshinkii xil ka qaadista ee laga soo gudbiyey Madaxweynaha JFS Sagaalkii bishaan uu buray.

Guddoomiyaha ayaa sababaha keenay in mooshinka uu buro ku sheegay inay 14 Mudane Magacooda laga been abuurtay oo ay ku dacwoodeen   inaysan qeyb ka aheyn Xildhibaanada saxiixay mooshinka.

Qoraalka guddoomiyaha uu soo saaaray ayaa sidoo kale waxa uu uga mahadceliayay Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha,isaga oo sheegay inay danta dalka iyo dadka u tanaasuleen.

Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo laga keenay 9 Bishaan ayaa dalka waxa uu ka abuuray khalalaaso Siyaasadeed,taas oo keentay inay is taagaan kulamadii Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor