Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya Danjire Hassan bin Hamza Asad
Safiirka ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha soo gaarsiiyay warqad tahniyad ah oo ku saabsaneyd hambalyadda maalmaha xurriyada Soomaaliya ee uu soo diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Qatar.
Sidoo kale waxay ka wada hadleen labada dhinac mashaariicyada dawladda Qatar ay ku taageerayso Dowladda Soomaaliya dhinacyadda dhismooyinka iyo hormarinta sidii loo xoojin lahaa,
Arimaha kale ay ka wada hadleen labada mas’uul ayaa ah howlaha doorashooyinka soomaaliya iyo halka ay marayaan maadaama kulamadii u dambeeyay barlamaanka ay yeesheen diiradda lagu saarayay hirgelinta doorashooyin ka dhaca soomaaliya 2020-2021.