Guddoomiye Mursal oo Go’aan ka soo saaray kala diristii Guddiga Maaliyadda farriina u diray guddiga

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu waxba kama jiraan ka dhigay kala diristii guddoomiye ku xigeenka 1aad Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.

Qoraalka ayaa waxa uu Guddoomiye Mursal ku sheegay in isaga oo adeegsanaya qodob dastuuri ah uu meesha ka saaray kala diristii guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka,isla markaana Guddiga ay Shaqadooda siiwadan karaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa faray Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,qorsheynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda inay si deg deg ah u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa khilaafkii ka dhashay kala diristii Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka uu ku sameeyay guddoomiye ku xigeenka 1aad Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor