Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay weerar loo adeegsaday qaraxyo lagu qaaday saldhigga booliska degmada Beled-xaawo. Qaraxyada, oo la sheegay inay ahaayeen bambaanooyin, ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca afar kale. Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Bile Hufood, oo hore u ahaa guddoomiye ku-xigeenka degmadaasi.
Dadka dhaawacmay ayaa u badan askar ka tirsan booliska, waxaana xaaladda degmada Beled-xaawo haatan lagu tilmaamay mid aad u kacsan. Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaanno si loo ogaado faahfaahinta weerarka iyo cidda ka dambeysa.
Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya dhacdooyinka amni-darro ee mararka qaar ka dhaca gobolka Gedo, oo ay ku sugan yihiin kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda