Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee G/Shacabka oo la kulantay Kuxigeenka Wakiilka QM

Kusimaha Madaxweynaha Jamuuriyada Fadaraalka Soomaaliyed Ahna Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye ku Xigeenka 1aad Ee golaha Shacabka Marwo Sadia Yasin Samatar Ayaa kulan la qaadatay Kuxigeenka Wakiilka Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobe Marwo Kiki Gbeho.

Kulanka waxaa qeeyb ka Ahaa Xoghayaha Guud Ee golaha shacabka Abdikarim Buux iyo Habdhawraha golaha shacabka xil.Mohamed Abdulahi Hassan Nuux, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo dardar gilin lahaa Arimaha hortabinta u leh golaha shacabka Gaar Ahaan Arimaha Haweenka Arimaha Xuquuqul insaanka iyo taakulaynta Shacabka Soomaaliyed ee Abaaruhu sameeyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor