Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa deegaan lagu magacaabo Cadayga.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in la dilay Guddoomiyihii deegaanka Cadayga Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan, iyagoona labadooda Mas’uul ka deegaanka Cadayga oo ka tirsan Degmada Balcad.
Rag hubeysan ayaa labada Mas’uul ugu tegay deegaanka, isla markaana ka soo watay, iyagoona ugu dambeyntii lagu dilay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda, iyagoona halkaas ka qaaday Meydadka, waxaana halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.
Weli lama oga cida dishay Guddoomiyihii deegaanka Cadayga iyo ku-xigeenkiisa, isla markaana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad iyo dowlad Goboleedka Hirshabeelle.