Guddoomiye Cumar Finish oo kulamo ka Bilaabay Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa shalay ilaa iyo xalay waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed iyo xubno kale.

Guddoomiye Finish ayaa sheegay in Waxgaradka soomaaliyeed ay ugu yimideen hambalyo iyo bogaadin ku adan xilka loo magacaabay isla markaana ay u soo jeediden dar-daaran iyo duco.

Duqa Cusub ee Muqdisho ayaa Waxgaradka ka dalbaday inay maamulka cusub ee hogaanka uu yahay la shaqeeyaan,isagoo ballan qaaday  inuu la imaan doono shaqo wanaag kudhisan wax qabad iyo hormarin bulsho.

“Hambalyo kadib waxay isoo jeediyeen Waxgaradka Soomaaliyeed dar daaran iyo duco waxaana kadalbaday in maamulka cusub ee aan hogaanka u ahay ay nala shaqeeyaan , waxaana kabalan qaaday in aan la imaan doono shaqo wanaag kudhisan wax qabad iyo hormarin bulsho. Ugu dambeen guud ahaan shacabka soomaaliyeed waxaanb kadalbanayaa in ay nala shaqeeyaan anagana waxaan xoogga saareynaa sidii muqdisho ay ula tartami lahayd caasimadaha wadamada caalamka insha allah”ayuu yiri Cumar Maxamud Finish.

Comments
Loading...