Guddoomiye Cismaan Barre oo Xildhibaanada Hirshabeelle ku Amray inay kusoo laabtan Jowhar

Kadib markii uu dhammaaday fasixii ay ku jireen Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu amray inay si deg deg  ah dib ugu soo laabtaan Magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa Xildhibaanda ku amray inay kusoo laabtan Caasimadda Hirshabeelle si uu ku furmo kal-fadhiga Baarlamanaka oo mudooyinkii dambe fasax ahaa.

Sheekh Cismaan Barre ayaa fariin wargelin ah oo ku aadan furitaanka Baarlamaanka u diray Xildhibaanada,isagoona u sheegay in maalmaha soo socda uu furmayo Kal-fadhiga.

Dhinaca kale waxaa xal-buuxa laga gaaray Khilaaf ka dhexjiray Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Hirshabeelle sida uu Dalsan u xaqiijiyay Xildhibaan ka tirsan maamulkaas.

Comments
Loading...