Guddoomiye Aadan Madoobe oo Warbixin ka dhageystay Guddi uu la kulmay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo labadiisa ku-xigeen ayaa maanta kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka,

kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay habdhowraha Golaha Shacabka iyo howlwadeennadda Guddiyada iyagoo mid mid u sharaxay shaqada baaxada leh ay u hayaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada Guddiga joogtada ah, Guddiyada Golaha Shacabka iyo diyaarinta shuruucda Golaha ee kalfadhiga labaad.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmo kahor galay fasax kooban, kadib markii dhammaaday kal-fadhigii Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor