Guddoomiye Aadan Madoobe oo dib u dhigay kulankii lagu dhaarin lahaa Farmaajo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dib u dhigay kulankii berrito oo sabti ah ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

La-taliyaha gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Xasan Idiris oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu dib u dhigay kulankii berrito ee Golaha Shacabka, sababo jiro awgood.

“Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shirkii berri ee Golaha Shacabka BJFS dib u dhigey Sabab jira awgeed!” ayuu yiri Maxamed Xasan Idiris oo faah faahin intaas ka badan ka bixin sababta keentay dib u dhigista kulankii Xildhibaanada.

Ajendaha koowaad ee kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ahaa dhaarinta Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqonaya Xildhibaan Abadiya.

Sidoo kale kulanka Golaha ayaa lagu waday  in dhaariyo Dahir – Xubin Guddiga Madaxa banaan ee hirgalinta Dastuurka iyo Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Dib u dhigista  kulankii lagu dhaarin lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo aadaya, iyada oo Caawa Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Hotelka Xayaat oo weli ay ka dhex-dagaalamayaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor