Guddoomiye Aadan Madoobe oo Dalab hordhigay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo furay kulan haatan u socda Xildhibaanada ayaa dalab u diray Xildhibaano ka tirsan Golaha oo uu sheegay in aysan soo xaadirin weli kal-fadhiga labaad ee Golaha.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in si dhib ah lagu helo kooramka uu ku furmayo kulanka Golaha, wuxuuna faray Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka ee fasax la’aanta ugu maqan dalka dibaddiisa inay si dhaqsi dalka ugu soo laabtaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre faray inay dhammeystiraan 9 hindise sharciyeed oo qabyo ah, kuwaasi oo dhawaan loo soo gudbiyey Golaha.

Gaba-gabadii Aadan Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in laba jeer uu Xukuumadda ka dalbaday inay soo gudbiyaan hindise sharciyeedyada looga baahan yahay, isagoona xusay in kuwo haatan ay heystaan ay qabyo yihiin oo wax ka maqan yihiin

Ajendaha kulanka u socda Maanta Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay qaybinta Akhrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada iyo Warbixin laga dhageysan doono Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo laabtay deegaan doorashooyinkooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor