Guddoomiye Aadan Madoobe iyo James Swan oo ka shiray dhameystirka Doorashada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. James Swan.

Kulanka ayaa looga wada hadley dhamaystirka doorashada inta ka dhiman iyo sidii ay jawi xasilloon ugu soo geba gaboobi lahayd, sida lagu sheegay War kasoo saaray Xafiiska Guddoomiye Sheekh Aaadan Madoobe.

Wakiilka Xog-hayaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u la tahay inay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ka gacan siiyaan sidii howshaasi si guul ah ugu soo dhamaan lahayd.

Mr. James Swan ayaa ku bogaadiyay magacaabista degdega ah ee guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha iyo ku dhawaaqista in la qabanayo doorashada 15-ka Maajo.

Guddoomiyaha ayaa Mr. James Swan kahor waxaa uu kulan la qaatay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, wuxuuna Safiirka Guddoomiyaha ugu hambalyeeyay xilka Guddoomiyaha loo doortay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor