Guddoomiyaha Xiriirka K/cagta Adduunka oo booqasho ku imaanaya Somalia, xilli ay kala-qeybsanaan ka jirto Hoggaaminta Xiriirka K/Cagta ee Somalia

Iyada oo Kala-qeybsanaanta iyo Khilaafka Hoggaanka Sare ee K/Cagta Somalia aad loo hadal-hayo ayaa waxaa laga war dhowrayaa Socdaalka Taariikhiga ee uu Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Adduunka (FIFA), Jiyovanni Vinsenzo isbuucyada soo socda ku imaan doono magaalladda Muqdisho, Xilli doorasho muran ka taagan yahay la sheegay in C/qani Saciid Carab loo doortay Guddoomiyaha XSKC ee 4-ta sanno ee soo socota.

Socdaalka Guddoomiyaha FIFA ayaa la sheegay inuu indha-indheyn doono Mashaariic FIFA ka hirgelisay Somalia iyo heerka K/Cagta ee dalka Somalia oo dib u kabanaya Colaadihii ka dhacay dalka.

Sarkaal horey uga tirsanaa XSKC oo dhawaan Wareysi siiyey Radio Dalsan waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Xiriirka la hagaajiyo, ka hor Booqashada Guddoomiyaha FIFA.

Sarkaalkaasi waxa uu carrabka ku dhuftay inaan si Dimuqraadi ah lagu soo dooranin Hoggaaminta XSKC.

Dhinaca kale, Salma Cilmi oo ka tirsan Taageerayaasha K/cagta oo la hadashay Radio Dalsan waxay tilmaamtay in C/qani Saciid Carab doorteen Wakiilo ka socday Naadiyadda K/cagta, taasina ay su’aal ka taagan tahay sida Doorashadaasi loogu tilmaami lahaa mid ku dhacday Xor iyo Caddaalad.

Si kastaba ha ahaatee, C/qani Ciise Carab waxa uu Xilka Guddoomiyaha XSKC hayey 8-dii sanno ee ugu dambeysay isagoo mar ahaa Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud ee Xiriirkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor