Iyadoo lagu guda-jiro Munaasabadda 15-ka May ayaa waxa uu Guddoomiyaha Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda ee CCA, Md. Maxamed Ali Ibrahim “M.Cajiib” ugu hambalyeeyey Dhallinyarradda Soomaalida Munaasabadda Maalinta qiimaha leh ee 15-ka May.
Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay Halgankii Ururkii Dhallinyarradda Soomaaliyeed ee SYL ka soo qaateen Xorriyadda aynu maanta harsanayno, wuxuuna ugu baaqay Dhallinyarradda xilligan inay mideeyaan cuddudooda, oo ay noqdaan Waddaniyiin isku duuban, kana shaqeeyan Dib-u-dhiska dalka iyo Adkeynta Nabadda.
Guddoomiye Maxamed Cajiib waxa kaloo uu kula dardaraamay Dhallinta inay ka fogaadaan Xag-jirnimadda iyo in loo adeegsado dagaalladda lagu dhibaataynayo Ummadda Soomaaliyeed.
Xarunta CCA iyo Ururka Dhallinyaradda SYAO waxay kaalin ballaaran ka qaateen Ixtifaallaadka Munaasabadaha 15-ka May loo sameeyey Toddobadii sanno ee ugu dambeysay.
Waxqabadka CCA iyo Ururka Dhallinyarradda SYAO ee lagu weynayo Munaasabaddaha 15-ka May waxaa ka mid ah:-
In ka badan 117 tartamo isboorti oo lagu kala qabtay Nairobi , Xerada Dadaab , Muqdisho, Beled-weyn, Baydhaba , Jowhar , Marka , Afgooye iyo Kismaayo.
- Bandhigista Riwaayado dhalinta tuseysay wadaniyadda iyo Taageeridda dawladnimo.
- Doodo ku saabsan sida dhalinyarada loogu abuuri karo Waddaniyad la mid ah tii Asaasayaashii Ururka Dhallinyarradda ee SYL.
- Soo nooleynti dhaqanka ku dhawaad 15 munaasabado dhaqan oo Nairobi iyo Muqdisho ka dhacay
Dhinaca kale, Ixtifaalaad lagu weynaynayo Sannadguuraddii 72-aad ee Aasaaskii Ururka Dhallinyarradda Soomaaliyeed ee SYL ayaa lagu kala qabtay guud ahaan Goballadda dalka Somalia.
Madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda iyo Ururradda Bulshadda ayaa ka qeyb galay Munaasabadaha lagu weynaynayo Munaasabadda 15-ka May.
Waxaa maalintaasi lagu xusuustaa Asaaskii Ururka SYL oo ay ku midoobeen Dhallinyarro Waddaniyiin ah, kuwaasi oo si toos ah uga hortegay Gumeystayaashii haystay dalkeenna Somalia.
Asaasayaashii Ururka SYL ayaa waxay kala ahaayeen:-
- C/qaadir Sheekh Saqaawadiin.
- Max’ed Xirsi Nuur (Siidii)
- Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke,
- Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed
- Cismaan Geedi Raage
- Dheere Xaaji Dheere
- Daahir Xaaji Cusmaan.
- Cali Xasan Maslax.
- Maxamed Cali Nuur
- Maxamed Faarax Hilowle
- Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi}
- Huudoow Macalin Cabdulle
- Maxamed Cusmaan Baarbe
Hadafkii ugu ballaarnaa ee ay 13-ka Halgame u asaaseen Ururka Dhallinyarradda Soomaaliyeed ayaa ahaa sidii loo mideyn lahaa maskaxda iyo cududa da’ yarta iyo in la isku barbaariyo Waddaniyadda iyo Gobanimo-doonka.